Lionel Messi Oo Muran Siyaasadeed Dhex-dhigaya Laba Dal Oo Bariga Dhexe Ah

0
169

JOWHAR(RADIO ISNAAY) Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi in uu sii xumayn doono muranka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal ee Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Lionel Messi ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagan waxana haatan saxiixiisa ku tartamaya kooxaha Man City oo ay leeyihiin Milkiile Imaaraad ah waliba ka mid ah boqortooyada dalka maamulka iyo PSG oo uu iska leeyahay milkiile Qatar ah kana mid ah masuuliyiinta siyaasada dalka Qatar.

Dalalka Imaaraadka iyo Qatar ayuu markii hore ka dhex jiray khilaaf siyaasdeed oo sanado soo socda laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in uu Lionel Messi sii xumaynayo dabkana ku sii shidayo khilaafkaas.

Labada kooxood oo lacag waali ah is galiyay ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in ay ku guulaystaan koobka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here