David Alaba Oo sheegay Sababtii Uu U Aamusiiyey Neymar Finalkii Champions League

0
177

JOWHAR(RADIO ISNAAY)Difaaca Bayern Munich ee David Alaba ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu u sasabay ee uu u aamusiiyey xiddiga reer Brazil ee Neymar markii ay dhamaatay ciyaartii finalka Champions League ee Munich ay PSG kaga qaadday koobka.

Alaba ayaa laabta  geliyey Neymar oo garoonka dhexdiisa ku ooyayay markii ay dhamaatay ciyaartu, waxaana uu door biday in halkii uu kala damaashaadi lahaa ciyaartoyda kooxdiisa uu u dhaqaaqo inuu niyadda u dhiso ciyaartoyda murugaysan ee koobka lagaga guuleystay.Neymar ayaa helay fursado uu goolal ugu dhalin karayay PSG laakiin goolhaye Manuel Neuer ayaa ka diiday in fursadahaasi ay goolal noqdaan, sidoo kalena waxa jaanisyo lumiyey Mbappe iyo Angel Di Maria

Alaba oo la weydiiyey sababtii uu xabbadka u geliyey Neymar ee uu niyadda ugu dhisay ayaa yidhi: “Way ka leexatay jidkii uu doonayay. Waa ciyaartoy uu culays badan saaran yahay garbihiisa, wuxuu xambaarsan yahay culays badan, waxaanu sidaa kooxda oo dhan.”

David Alaba waxa uu sheegay in natiijada ciyaartu ay noqotay mid ka beddelan sidii uu Neymar  u ciyaaray, taasina ahayd sababta uu la ooyeyna taas ahayd, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in qalbiga loo qaboojiyo ciyaartoyga guul-darraysta, waxaanu yidhi: “Taasi waa muhiim. Dhamaantayo waanu is jecel nahay ciyaartooyo ahaan.”

PSG ayay u ahayd markii ugu horreysay taariikhdeeda ee ay soo gaadho finalka Champions League, laakiin waxa ka awood badisay khibradda  badan ee ciyaartoyda Bayern Munich u leeyihiin tartamada waaweyn.

Inkasta oo dhinaca fursadaha ay PSG badnayd, haddana gool uu bilowga qaybtii labaad u dhaliyey weeraryahanka reer France ee Kingsley Koman oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta PSG ayaa Bayern Munich ka caawiyey inay koobka ku guuleysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here