Aktarka Boolywoodka Hindiya Ee Salmaan khan oo u dabaal dagay Sanad guuradii 32 aad ee markii uu ku biiray shirkadda Boolywoodka.

0
187

Salman Khan, oo shaleemooyinka Hindiya looga yaqaanno Suldaan, ayey dhawaan u u buuxsantay 32 sano oo uu jilayay filimada shirkadda Bollywood.

Filimkii ugu horreeyay ee uu jilay Salman Khan, oo lagu magacaabo Biwi Ho To Aisi, wuxuu soo baxay 22-kii bishii August ee sanadkii 1988-kii. Salman wuxuu filimkan ka ahaa atooraha labaad. Rekha iyo Farukh Sheikh ayaa kaalimaha ugu muhiimsan ka lahaa filimka Biwi Ho To Aisi.

Salman Khan aabihiis wuxuu ahaan jiray qoraa si weyn loo yaqaanno. Waxaa jilaagan maanta loo yaqaannaa inuu yahay qofka gacanta ku haya guud ahaan shirkadda Bollywood, oo qofkuu rabo u fasixi kara, qofkuu rabana u diidi kara.

Sidoo kale wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku taxan bogaggiisa baraha bulshada.

Salman waxa uu aad u jeclaan jiray farshaxanka loo adeegsado rinjiga. Waxaa jira farshaxanno badan oo uu ku xardhay guriga saaxiibkiis Aamir Khan.

Wuxuu farshaxanka ka bartay hooyadiis, Salma, oo farshaxamiiste ahayd.Waxaa la sheegaa in Salman Khan uusan waligiis dib u eegin muuqaallada uu jilo marka la saxayo. Marka uu duubo qeyb ka mid ah filimka, wuxuu usii gudbaa qeybta xigta, halka hagaha iyo soo saareyaasha ay dib u hubinayaan waxa uu markaas duubay.

32 sano oo khibrad ah ayuu Salman ku leeyahay jilista filimada Bollywood-ka

Wuxuu atoorahan Bollywood ku sameeyay filimo aad u badan oo si weyn looga daba dhacay. Filimadiisa ugu caansanna waxaa ka mid ah:

Sultan, Tiger Zinda Hai, Ready, musalsalka Dabangg, Hum Aapke Hain Kaun, Bodyguard, Kick, Wanted, Tere Naam. Salman wuxuu sidoo kale sameeyay Bigg Boss.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here