Xanuunka Shuban biyoodka oo ka Dilaacay Tuulada Buur fuule ee Hoostagta Degmada Mahadaay.

0
182

Tuulada Buur fuule oo kamid ah Tuulooyinka Hoostaga Degmada Mahadaay waxaa ka dilaacay Cudurka shuban biyoodka waxa uuna inta badan  ku dhacay Carruurta iyo qaar ka mid ah dadka da’da ah sida uu idaacada isnaay u sheegay Cabdullaahi Yuusuf Xuseen oo ah Gudoomiyaha Tuuladaasi waxa uuna tilmaamay in Cudurkaan uu yimid kadib markii biyaha Wabiga Shabeelle ay ku Fataheen Tuulada.

Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu tilmaamay  in dadka xanuunsan  loo qaado isbitaalada ku yaala Degmada Mahadaay maadaama aysan tuulada laheyn goobo  Caafimaada.

Warbixintaan Waxaa Inoo soo jeedinaya:- Cabdi wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here