Madaxweynaha Kuuriya Waqooyi oo kasoo muuqday Munaasabad lagu qabtay Dalkaasi Xilli Shaki lagelinayay Xaaladiisa Caafimaad.

0
150

Kim Jong-un ayaa maamulada Kuuriyada Waqooyi uga digay iney isu diyaariyaan khatarta fayraska corona iyo dufaanta.

Mr Kim ayaa ka soo muuqday munaasabad kaddib warar la isla dhexmarayay oo shaki gelinayay xaaladdiisa caafimaad.

Kuuriyada Waqooyi ayaanan ilaa haatan laga xaqiijin kiis fayraska corona ah, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu gaaro xanuunka uu si xowli ah ugu faafayo uuna saameyn weyn ku yeelan doono dalkaasi aanu dhaqaalihiisa cagaha badan ku taagneyn.

Dhanka kale dabayaaqada toddobaadkan ayaa waxaa la filayaa in duufaanta Bavi ay ku dhufuto Kuuriyada Waqooyi.

Mr Kim oo ka hadlayay kulan ka dhacay olitburo ayuu isagoo sigaar dhuuqayo ka sheegay in laga gaabiyay dadaalladii ka hortagga fayraska corona ee Kuuriyada Waqooyi laga waday. Sida ay soo werisay warbaahinta qaranka iyada oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Xukuumadda Pyongyang ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay in dalkeeda aanan laga helin fayraska corona, inkastoo hadalkaasi shaki la gelinayay. Ma jirin wax kiis ah oo lagu dhaawaqay balse warbaahinteeda ayaanan muddo dhowr toddobaad ah joojisay sheegashada ah in laga aana weli laga helin kiis la xiriira fayraska corona. Kaddib markii lagu dhaawaqay kiis laga shakiyay oo la sheegay in laga helay xadka ay Kuuriyada Koonfureed laga wadaagto laakin ilaa haatan kiiskaasi lama xaqiijin in laga helay iyo laga waayay.

Muuqaalka Kim Jong-un ayaa imanaya iyadoo maalmihii dambe la isla dhexmarayay warar oo ku aaddan caafimaadkiisa kaddib markii uu qaar ka mid ah awoodihiisa ku wareejiyay walaashii Kim Yo-jong

Madaxweynaha walaashii Kim Yo-jong xil sare ayey ka haysaa xisbiga shaqaalaha Kuuriyada Woqooyi

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa awood dheeraad ah siiyay dadka isaga ka agdhow oo ay ka mid tahay walaashii Kim Yo-jong, sida ay sheegeyso waaxda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.

Mr Kim ayaa weli haya awood badan balse qaar ka mid ah waxa uu ku wareejiyay dadka isaga u dhow si uu isaga yareeyo culeyska isku buuqa, waa sida ay sheegtay waaxda sirdoonka.

Wararka ku saabsan caafimaadka hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaanan cusbayn balse markasta waxa ay noqdaan kuwa been oo waxa uu soo muuqdaa isagoo caafimaad qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here