Magaalada Barcelona Oo Noqotay Wada Messi & Taageereyaasha Oo Waddooyinka Taagan.

0
139

JOWHAR- (Radio-Isnaay) – Jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa iskugu soo baxay dariiqyada magaalada ay kooxdaasi ka dhisan ee Barcelona, waxaanay muujinayaan taageero weyn oo ay la garab taagan yihiin xiddigooda Lionel Messi oo caddeeyey inuu iskaga tegayo kooxda.

Barcelona ayaa ku jirta xaalad qasan oo aan la garanayn waxay ku dambaynayso, waxaana go’aan beryahanba la sugayay ku dhawaaqay Messi oo dalbaday in si bilaash ah lagu fasaxo, iyadoo la eegayo wixii uu soo qabtay, isla markaana qaddarin iyo tixgelin loo muujiyo.

Laakiin kooxda ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay sida ay warbaahinta Spain shaacisay, waxaanay u sheegtay in aanu ku riyoonin in bilaash lagu fasaxo, taas oo ah jawaab la filayay inay imanayso markii la akhriyey qodobaddii ku qornaa warqadda codsiga ah ee Messi.

Inkasta oo uu laacibkani wax badan usoo qabtay, haddana Barcelona ayaa ka fikiraysa dhinaca ganacsiga marka ay timaaddo inuu baxo xiddigga ugu wanaagsan dunida, mana ogolaan karto in uu bilaash ku baxo maadaama lasoo dhaafay waqtigii uu heshiiskiisu u ogolaa inuu si bilaash ah ku bixi karo.

Dariiqyada magaalada Barcelona ayay soo buuxiyeen taageereyaal tiro badan xilli habeennimo ah, waxaanay in badan oo ka mid ah hor tuban yihiin xafiiska Madaxweyne Bartomeu iyaga oo dalbanaya inuu iska casilo xilka, waxaanay ku eedaynayaan inuu isagu masuul ka yahay waxan dhacaya oo dhan.

Jamaahiirtu waxay ku qaylinayaan magaca Lionel Messi iyagoo dalbanaya in halkii uu laacibkani ka tegi lahaa uu iska baxo Bartomeu.

Warbaahinta Spain ayay qaarkeed tabinaysaa in Josep Maria Bartomeu uu aqbalay inuu iscasilo oo uu shaqada ka tago si ay suurtogal u noqoto in Lionel Messi uu sii joogo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here