Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka Oo Taraam u Caleema Saartay inuu Noqdo Murashaxa u tartami doono Xilka Madaxweynaha.

0
141

Dalka Maraykanka waxaa habeenkii xalay ahaa ka bilowday Shirweynihii Xisbiga Jamhuuriga. Shirweynaha ayaa lagu caleemo saaray in Madaxweyne Trump uu noqdo tartamaha xisibiga Jamhuuriga.

Sharci dejiyeyaal, danjireyaal iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa shirweynaha khudbado ka jeediyey.

Shirweynaha oo sidii kii Dimoqraadiga afar maalmood socon doona, ayaa waxaa la filaayaa in Khudbado iyo fikrado is dhaafsi goobta ay ka soo jeediyaan Siyaasiyiinta Ku jirta Xisbigaan.

Xisbiga jamhuuriga mareykanka ayaa Xusul duub ugu jira Sidii ay Markale ugu guuleysan lahaayeen Kursiga Ugu Sareeya Dalka Mareykanka Waxaana markale ay u Doorteen in uu u tartamo kursigaasi.

Waxaa la filaayaa in afkaarta xisbiga iyo ololaha Doorashadiisa uu Taraam ka bilaabo idaacadaha iyo baraha ay bulshada ku xiriirto si uu u kasbado Quluubta taageereyaashiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here