Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Laga Fuliyay Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellha Dhexe.

0
171

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehelinayay Wasiirka dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana Warshiikh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay Degmada Warshiikh isagoo sidoo kale daahfuray gogol dib u heshiisiineed oo beelaha dega degmooyin kamid ah Gobolka Sh/dhexe lagu heshiisiinayo.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaayo:- Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here