Harry Maguire Oo Lagu Helay Seddex Danbi Ka Dib Maxkamadii La Soo Taagay Maanta

0
164

JOWHAR(radio isnaay)Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa lagu helay seddex danbi oo waa weyn ka dib markii ay maxkamada dhageysatay dacwadiisa.

Waxaa maanta la qaaday dhageysiga dacwada xarigii Maguire ee jasiirada Gariiga ee Mykonos iyadoo xiddiga Red Devils uu dib ugu soo laabtay Ingariiska.Maguire ayaa xabsiga laga sii daayay labo maalmood ka hor, mana uusan joogin maanta dhageysiga dacwadiisa oo lagu qaaday jasiirada Syros ee dalka Gariiga.

Ciyaaryahanka waxaa lagu helay seddex danbi oo waa weyn oo kala ah inuu dhibaateeyay saraakiil boliis, inuu diiday in la xiro iyo inuu isku dayay laaluush weliba si ku celcelis ah.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in daafaca 80ka milyan ginni ku fashiya inuu isku dayay inuu laaluush bixiyo si uu xoriyadiisa dib ugu helo.

Go’aanka garsooraha ayaa lagu dhawaaqay goor dhaweyd iyadoo Maguire lagu helay dhamaan danbiyadii lagu soo eedeeyay.

Waxaa iyagana danbi lagu helay walaalkiis iyo saaxiibkiis oo lala xiray .

Waxaa la filayaa in goor dhow lagu dhawaaqo xukunka maxkamada madaama haatan la shaaciyay danbiyada lagu helay kabtanka Manchester United Harry Maguire.

Saacado ka hor, Maguire waxaa lagu soo daray xulka England ee tababare Gareth Southgate ee ka qeyb qaadanaya tartanka UEFA Nations League.

Waxaa haatan la soo sheegayaa in tababaraha xulka England Gareth Southgate iyo madaxda xiriirka kubada cagta Ingariiska inuu wadahadal u socdo iyadoo ay macquul tahay in Maguire laga reebo xulka England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here