Kiisaska Xanuunka Corona Virus Ee Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland Oo Korortay.

0
135

Mudo kadib Waxaa hada mar kale la dareemayaa in Dadka uu Haleelayo Cudurka Covid-19 Ee Deegaanada Puntland ay kordhayaan.

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Kiisaska Cudurka Corona virus ee degaanada maamulka Puntland maalmihii ugu dambeeyay.

Puntland waxa ay sheegtay in kiisaska Cudurka ay sare u kaceen maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay walaac ka muujiyaan kororka Cudurka ee degaanada maamulka Puntland.

Waxaa la baaray labadii maalmood oo la soo dhaafay 116 qof oo 4 qof oo ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19.

4 qof xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 3 sano jir ilaa 51 jir, 4 qof xanuunka laga helo ayaa 3 qof oo ka mid ah Garowe joogaan, hal qofna Boosaaso.

Waxaa xanuunka ka soo biskooday 3qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 403 qof waxaa udhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 207qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here