Lacagta Boqortooyadii Cabaasiyiinta  Oo 1,100 Sano kadib  laga Helay Wadanka Israa’iil.

0
145

Dhallinyaro si iskood ah gacan uga geysanaya in la qodo meelo taariikhi ah oo ku yaalla Bartamaha Israa’iil, ayaa waxay heleen 425 shilin oo dahab ah oo lagu aasay meel dhoobo ah. Waxaa la qiyaasayaa in 1,100 sano ka hor halkaas lagu aasay.

Dahabkan lacagta ah wuxuu badankiisa ahaa xilligii ugu horreysay ee Islaamka uu ku fiday halkaas, gaar ahaan xilligii Khilaafadii Cabaasiyiinta.

Shilimaadkan wuxuu culeyskoodu gaarayaa 845g, waxaana suuragal ah in lacag aad u badan ay ahayd xilligii la aasayay – dhaqaale ku filmaan in guri wayn oo raaxo ah looga iibsado deegaannadii khilaafada.

Lama oga ciddii lahay iyo sababta aysan ugu soo noqon lacagtaas.

“Qofkii lahaa dhaqaalahan ee 1,100 sano ka hor aasay, waxaa suuragal ah inuu rabay in uu dib ugu soo noqdo, xitaa doonta wuu adkeystay si aysan u dhaqaaqin,” sida ay sheegeen agaasimeyaasha dhallinyarada soo quftay dahabta.IGA

SHADA

Oz Cohen oo ka mid ah dadka si iskood ah arrintan uga shaqeeyay wuxuu sheegay in markii hore uu moodeyay caleen yaryar, ka dib ayuu soo saaray dahabka.

Ninka dhallinyarada ah ee helay dahabkan, Oz Cohen, wuxuu sheegay: “Waa arrin cajiib ah. Dhulka ayaan qoday, markii aan xoogaa wadayna, waxaan arkay wax u eg caleen yaryar. Markii aan eegayna waxayba noqdeen shilimaad dahab ah.”

Robert Kool, oo khabiir ku ah lacagta shilinka ah, wuxuu sheegay in lacagta ay ka kooban tahay Dinaar buuxa iyo sidoo kale 270 shilin oo yaryar – shilimaadka yaryar ee dinaarka waxaa loo adeegsanayay “baaqiga soo noqda ee sarifka ah”.

Wuxuu intaa ku daray, in qeyb ka mid ah kuwa yaryar ee dahabka ay ahaayeen shilimaadkii boqorkii Byzantine ee Theophilos ee laga adeegsanayay magaaladii Constantinople (oo hadda ah Istanbul).

Lacagtaas waxay caddeyn yar oo aan la helin u tahay xiriirkii ka dhexeeyay labadii boqortooyo ee iska soo horjeeday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here