Halyey Sannado Badan Aamusnaa Oo Ka Hadlay Xaaladda Kooxda Barcelona.

0
148

JOWHAR- (Radio-Isnaay) – Ronald Koeman waxa loo magacaabay tababaraha Barcelona toddobaadkii hore, waxaanu ku hawlan yahay shaqo uu ku nadiifinayo kooxdii hore u joogtay Camp Nou oo uu meesha kaga saarayo laacibiinta gaboobay ee ciyaartoodu hoos u dhacday, kuwaas oo uu qaarkood khadka telefoonka ugu sheegay inay raadsadaan kooxo ay u ciyaaraan.

Tababaraha reer Netherlands, waxa xiddigaha uu la hadlay ka mid ah weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez iyo dhawr ciyaartoy oo kale, laakiin waxa uu ku dhegsan yahay Lionel Messi oo uu bilowgiiba kulan la yeeshay si uu iskugu dayo inuu ku qanciyo inuu Camp Nou sii joogo.

Isbeddellada uu wado Koeman, waxay uu ku doonayaa  inuu ku dhiso koox kubbad qurux badan ciyaarta, sidoo kalena guuleysata, sida uu sheegay weeraryahankii hore ee xulka qaranka Netherlands iyo kooxaha Bayern Munich ee Roy Makaay.

Laacibkan hore oo muddo dheer aan warbaahinta kasoo muuqanin, waxa uu sheegay in Koeman uu ku riyoon jiray inuu mar uun tababare u noqdo Barcelona, haddana uu ka shaqaynayo in riyadaas u rumowday ay noqoto mid guulo ku dambaysa, waxaanu yidhi: “Riyada Koeman waxay mar walba ahayd inuu tababare u noqdo Barcelona.

“Aniga layaab iguma aha in koox sidan oo kale ah ay ku fikirto isaga, sababtoo ah waa tababare wanaagsan. Waynu arki doonaa nooca kubadda uu ciyaari doono iyo saamayntiisa. Laakiin tababare jecel in la ciyaaro kubbad qurux badan, sidoo kalena guuleysata.”

Roy Makaay oo u warramayay wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, waxa la weydiiyey waxa ku kellifay Koeman inuu u sheego Luis Suarez iyo Arturo Vidal inay raadsadaan kooxo kale, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Barcelona u baahan tahay ciyaartooyo da’yar.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here