Xafladda ku dhawaaqista   Natiijooyinka Imtixaankii Dugsiyada dhexe Ee Hirshabeelle oo Maanta lagu Qabtay Jowhar.

0
192

Xafladaan oo ujeedkeedu ahaa ku dhawaaqista Natiijooyinka Imtixaankii Dugsiyada Dhexe ee Deegaanada hirshabeelle  ayaa manta lagu qabtay Howl-ka Beerta Kulan ee Magaalada Jowhar

waxaana ka soo qeyb galay Qaar kamid ah Ardaydii Sanadkaan u fariistay Imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada Dhexe ee Dalka, Waalidiin, Waxgarad, Mas.,uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle

, Xildhibaano iyo Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise.

Ugu Horeyn waxaa goobta kahadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Xildhibaan Abuukar Xasan abuukar waxaana uu sheegay in wasaaradda ay kusoo guuleeysatay hirgelinta Dhimso Iskuulo, Dayactiridda qaar kamid ah schoolada Hirshabeelle iyo In ay gacan weyn kageeysatay sidii loo qaban lahaa Imtixaankaan Dugsiyada dhexe ee dalka.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Xildhibaan Cabdulaahi Abuukar Xuseen ayaa ku dhawaaqay 5-ta arday ee kaalmaha ugu horeeya kagalay imtixaankii dugsiga dhexe ee deegaanada hirshabeelle isagoo hampaliyo iyo bogaadin u diray Dhamaan ardayda kusugan deegaanada hirshabeelle.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaaya:-Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here