Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Saxiixa Cusub Ee Miralem Pjanic Uu Qaaday Karoona Fayras Iyo Muddada Uu Maqnaanayo.

0
158

Kooxda Barcelona ayaa shaacisay in xidiga ay kooxda Juventus kala soo saxiixdeen ee Miralem Pjanic uu ku dhacay caabuqa saf marka ah ee karoona fayras. Barcelona ayaa Miralem Pjanic oo 30 sano jir ah dhawaan dhaafsatay xidiga 23 sano jirka ah ee Arthur Melo.

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa xili ciyaareed ay hubanti la’aan badani kooxdeeda hadhaysay kadib shakiga xoogan ee ku jira mustaqbalka Lionel Messi laakiin murugada Barca ayaa halkeeda ka sii socota kadib markii uu Miralem Pjanic noqday positive ee cudurka karoonaha

.Miralem Pjanic ayaan awoodi doonin uu markiiba qayb ka soo noqdo kulamada xili ciyaareedka ka horeeya ee Barcelona taas oo dhibaato hor leh ku abuuraysa macalinka cusub ee Ronald Koeman.

War hadda la soo dhigay baraha bulshada kooxda Barcelona ayaa loogu dhawaaqay xaalada cudurka karoonaha ee Pjanic waxayna Barca shaacisay muddada uu xidigani go’doonka ku jiri doono ee aanu ciyaartoyda kooxdiisa cusub la soo midoobi karin.

Warka Barcelona ka soo saartay xaalada caafimaad ee Miralem Pjanic ayaa lagu yidhi: “WAR DEG DEG AH: Pjanic waxa uu positive ku noqday karoona wuxuuna Barcelona u soo safri doonaa 15 maalmood gudahood. Ciyaartoygu wanaag ayuu dareemayaa wuxuuna ku jiraa is go’doomin naftiisa ah”.

Barcelona ayaa qorshaynaysay in Miralem Pjanic  uu markiiba ka mid noqdo ciyaartoyda kooxdeeda ee diyaar garowga xili ciyaareedka ka horeeya laakiin hadda waxa uu maqnaan doonaa muddo 15 maalmood ah.

Marka uu Miralem Pjanic  dhamaysto 15ka maalmood ee go’doonka ah waxa uu mari doonaa baadhitaano dheeraad ah si markale xaaladiisa loo hubiyo.

Haddii ay dhacdo in Miralem Pjanic uu si buuxda uga soo kabsado cudurka karoona fayras inta lagu jiro 15ka maalmood ee ay Barcelona u qabtay kadib waxa uu markii ugu horaysay soo gaadhi doonaa Camp Nou halkaas oo uu baadhitaano cusub ku mari doono.

Miralem Pjanic ayaa si toos ah u badali doona Arthur Melo oo Juventus ku biiraya kadib markii ay labada kooxood xidigahan is dhaafsadeen dhamaadkii xili ciyaareedka soo idlaaday laakiin xaalada cusub ee caafimaad ee Pjanic ayaa sabab u noqonaysa in uu seegi doono bilawga diyaar garowga xili ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here