Shirkadda Tiktok oo Sheegtay In ay Furaneyso Dawcad ka Dhan ah Madaxweynaha Mareykanka.

0
140

Barta muuqaalka ee Shiinaha Tiktok ayaa qaadeysa tallaabo sharci ah si ay uga hortagto  xannibaadda uu ku soo rogay Madaweynaha Maraykanka Donald Trump.

Amarkan fulinta ah ee Mr Trump ayaa mamnuucaya Macaamilka milkiilayaasha shirkadda TikTok ee Byte Dance bartamaha Bisha Sebtember.

Saraakiisha sare ee Washington ayaa ka walaacsan in shirkaddani ay xogta isticmaaleyaasha dalkeeda Mareykanka u gudbin karto dowladda Shiinaha, waa ay se beenisay shirkadda ByteDance.

Barnaamijkan la iskula wadaago muuqaallada gaab-gaaban ayaa ku haysta dalka Maraykanka macaamiil gaadhaysa 80 Milyan.

TikTok ayaa sheegtay inay isku dayday inay ka qayb qaadato maamulka Mr Trump muddo ku dhawaad hal sano ah laakiin waxa ay la kulameen waxay ku qeexeen “danayn la’aan xaqiiqada ah”.

Si loo hubiyo in xukunka sharciga aan la laalin iyo in shirkadeena iyo isticmaaleyaashayada loola dhaqmo si caddaalad ah, ma lihin ikhtiyaar aan ahayn inaan ka hortagno amarrada fulinta iyada oo loo marayo nidaamka garsoorka,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay shirkadda.

TikTok ayaa rajeynaysa inay bilaabaan dacwaddooda toddobaadkan, sida uu sheegay weriyaha BBC ee qaybta ganacsiga Vivienne Nunis.

XIGASHADA

Jimcihii koox Shiinays-Mareykan ah ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah xayiraadda madaxweynaha ee kan la midka ah ee bogga lagu wada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here