Xogta: Juventus oo Si Deg deg ah ula Xiriirtay Real Madrid Kadib Markii uu Cristiano Ronaldo Dalbaday In Loo Keeno Karim Benzema.

0
154

JOWHAR-(Radio-Isnaay)- Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku riixaya naadigiisa Juventus inay heshiis lasoo saxeexdaan weeraryahanka Kooxda Kubadda Cagta Real Marid ee Karim Benzema inta uu furan yahay suuqa kala iibka ciyaartoyga ee xagaagan.

Ronaldo oo ay soo wada shaqeeyeen Benzema muddo sagaal sannadood ah oo ay wada joogeen Real Madrid, waxa uu goolashiisii ugu badnaa dhaliyey muddadii ay labadoodu iska garab ciyaarayeen, laakiin markii uu laba sannadood ka hor u guuray Turin ayaa uu heerkiisii dhalinta goolashu hoos uga soo dhacay halkii hore.

Sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee Tancredi Palmeri, Juventus waxay Cristiano Ronaldo ka ogolaatay inay afka hore kusoo kordhiyaan weeraryahan tayo leh, marka horena ay isku dayi doonaan inay Allianz Stadium keenaan Karim Benzema, si ay ugu guuleysan karaan Champions League oo ay ahmiyadda ugu weyn siinayaan, kaddib sagaal sannadood oo ay si xidhiidh ah ugu guuleysanayeen horyaalka Serie A.

Tancredi Palmeri waxa uu intaa ku daray in Juve ay xidhiidh la samaysay Real Madrid, isla markaana ay la hadleen Florentino Perez oo ay weydiiyeen suurtogalnimada haddii ay ka iibin karayaan Benzema. Waxa kale oo ay u sheegeen in ay isku darsadeen lacag iyo mid ka mid ah labada ciyaartoy ee Douglas Costa ama Alex Sandro.

Laakiin Real Madrid ayuu warku sheegay in aanay waqtigan aqbali doonin wax kasta oo loo bandhigo inay ogolaadaan inuu ka tago Benzema oo uu Zinedine Zidane si weyn u qiimeeyo, rumaysan yahayna inuu ka mid yahay weeraryahannada dunida ugu wanaagsan oo la’aantii ay adag tahay sida ay u soconayso kooxdu, illaa ay diyaarsadaan beddelkiisa.

Dhinaca kale, Karim Benzema ayaa kooxdiisa Real Madrid kaga nixiyey tababar uu samaynayay waqti uu nasasho ku jiro, waxaanu ciyaartoygani soo qaatay kubadda rasmiga ah ee Juventus ay ku ciyaarto, taas oo uu ku sameeyey tababarka.

Muuqaal daawasho ah oo uu Benzema soo dhigay bartiisa Instagram ayaa waxa uu muujinayaa weeraryahankan oo samaynaya tababar uu kalidii ku qaadanayo goob cidlo ah oo uu jidhkiisa ku dhisayo xilliga uu fasaxa yahay, laakiin Los Blancos ayaan jeclaysanin kubadda Juventus ee uu samaynayo tababarka xilli uu heli karayay kuwo Real Madrid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here