Heerka Kisaaska Cudurka Covid19 Ee Qaarada Africa Oo Hoos udhacay Mudooyinkii la soo dhaafay.

0
132

Isku celcelis ahaan heerka kiisaska cudurka Corona ee qaaradda Afrika ayaa hoos u dhacay toddobaadkii aanu soo dhaafnay, sida ay sheegtay xarunta Afrika ee xakameynta iyo ka hortaga cudurada.

Kiisaska guud ahaan qaarada maalinkii isku celcelis ahaan waxay ahaayeen toddobaadkii aanu soo dhaafnay 10,300, taasi oo ka hooseysa toodobaadkii ka horeeyay oo maalinkii qaaradda laga diiwaangalinayay 11,000.

Agaasimaha xarunta xakameynta cudurada Dr John Nkengasong, aya waxaa uu sheegay in ay jirto”caalamad muujinaysa rejo”.

Guud ahaan qaaradda Afrika waxaa uu feyriska Corona haleelay dad gaaraya 1,147,369 qof islamarkana kala bar dadkaasi waxay ku nool yihiin dalka Koonfur afrika.

Sidoo kale ilaa iyo imika waxaa feyriska ugu dhintay qaaradda Afrika dad gaaraya 26,000.

Dr Nkengasong ayaa waxaa uu sheegay in uu ku reja wayn yahay “in Covid-19 uu bilaabay in uu si tartartiib ah hoos ugu soo dhaco”.

Balse waxaa uu intaa ku daray “waaa xilli hore sababtoo ah waxaan la tacaalaynaa feyris si xawli ah ku faafa “.

Agaasimaha xarunta xakameynta cudurada Dr John Nkengasong, ayaa ugu baaqay dadka qaaradda in ay sii wadaan dadaalaa ay uga hortagayaan feyriska, gaar ahaan in dadka ay xirtaan qalabka afka lagu xirto.

Marka qaaradaha kale ee caalamka loo barbar dhigo ayaa waxaa qaaradda Afrika aad u hooseysa tirada cudurka u dhimatay.

Dalka Koonfur Afrika oo ah dalka uu sida ba’an u saameeyay feyriska ayaa waxa laga diiwaangaliyay 596,060.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here