Bayern Munich Oo Fadeexadii Kubbada Cagta Ay Ku Baday Barcelona Markale Ugu Daraysa Mid Dhinaca Lacagta UEFA Ah.

0
115

Jowhar(radioIsnaay)Kooxda Bayern Munich ayaa si layaableh ugu soo baxday finalka UEFA Champions League waxayna qarka u saaran yihiin in ay sameeyaan rekoodh taariikhi ah oo dhinaca lacagta UEFA bixiso ee tartanka Champions League ah.

Bayern Munich ayaa dariiqa u saaran in ay jabiso rekoodh dhinaca lacagta Champions league ahaa oo ay haysato kooxdii ay ceebta wayn u xambaarisay ee Barcelona laakiin waxayna Bayern ku dhawdahay in ay rekoodh cusub oo lacagta UEFA ah samayso.

Sida ay hadda u taagan tahay Barcelona ayaa haysata rekoodhka lacagta abid ugu badan ee ay hal koox sanad ka heshay UEFA ee tartanka Champions League waxayna Barca rekoodhkan dhigtay sanadkii la soo dhaafay ee 2019 kii oo ay UEFA ka heleen 117.73  milyan yuro.

Laakiin Bayern Munich ayaa dariiqa u saaran in ay rekoodhkan meel saarto isla markaana ay xili ciyaareedkan UEFA ka heli karto lacag ka badan 120 milyan yuro oo noqon doonta lacagtii abid ugu badnayd ee ay kooxi ku helayso Champions League.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeyay nidaam lacag bixineed oo daah furan oo koox kastaaba ay xili ciyaareedka oo aan bilaaban sii ogtahay lacagta ay heli karto waxaana haddaba la ogaaday in Bayern Munich ay rekoodh cusub dhigi doonto.

Inkasta oo aan la ciyaarin finalka Champions League ee Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain, haddana waxay koox kastaba sii ogtahay lacagta ay heli doonto haddii ay koobka ku guulaystaan iy ohaddii ay kaalintalabaad galaan.

Lacag Qaybinta UEFA Ee Kooxaha Champions League

Marka laysku daro dhamaan qaybaha kala duwan ee ay UEFA lacagaha ku bixinayso, waxaa la soo saaray in Bayern Munich ay ugu yaraan heli doonto lacag dhan 123 milyan yuro ah haddii ayna ku guulaysan koobka Champions League balse haddii ay koobka qaadaan waxay heli doonaan 130 milyan yuro.

Waxay tani la micno tahay in Bayern Munich ay si walba ku jabin doonto rekoodhka lacagtii abid ugu badnayd ee ay UEFA koox siisay oo ay hadda Barcelona haysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here