Bayern Munich Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions League Ka Dib Markii Ay Dardareen Lyon.

0
132

JOWHAR-( Radio-Isnaay) – Bayern Munich ayaa iska xaadirisay finalka Champions League ka dib markii ay 3-0 ku dardareen kooxda Faransiiska ee Lyon semi-finalkii Champions League iyadoo labo gool uu u saxiixay xiddigii hore ee Arsenal Serge Gnabry halka goolka seddexaad uu dhaliyay Robert Lewandowski oo gooldhalinya tartanka hogaaminaya.

Kooxda Faransiiska ayaa si carcar leh ku bilaabatay kulankaan iyadoo Memphis Depay uu labo jeer oo isku xigto sigay goolka ka hor inta uusan Ekambi birta u garaacin Bayern Munich daqiiqadii 17aad.

Laakiin fursadihii ay iska qasaariyeen Lyon waxaa durbadiiba ku ciqaabtay Bayern Munich oo hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 18aad. Kimmich ayaa baas fiican u soo qaaday Serge Gnabry kaasoo boos ka helay Cornet gadaashiisa, wuxuu kubada ka leexsaday Guimaraes ka hor inta uusan shabaqa meel kore ka tooganin.

Wixii goolka ka danbeeya waxaa soo baxay dulduleelada Lyon iyadoo Muller uu dhawaaday inuu gool labaad u saxiixo Bayern Munich halka goolhaye Lopes uu kubad halis aheyd ka bixiyay Gnabry daqiiqadii 25aad.

Bayern Munich ayaa ugu danbeyn heshay goolkeedii labaad, wuxuuna ku yimid qalad difaacasho oo ay Lyon, waxay awoodi waayeen inay iska bixiyaan kubad hortaalay goolkooda, Lewandowski ayaa isku dayay inuu shabaqa ku taabto, waxaa ka soo bixiyay goolhaye Lopes laakiin kubada waxay lugta u gashay Gnabry oo shabaqa ku hubsaday.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay Bayern Munich hogaanka ku heysay inkastoo ay iska caabin weyn kala kulmeen kooxda Faransiiska.

Bilowgii qeybta labaad Bayern Munich ayaa heshay fursad ay gool seddexaad ku dhalin kartay laakiin waxaa ka beeniyay goolhaye Lopes oo bixiyay darbadii Perisic.

Lyon isma dhiibin iyagana dhankooda waxay bilaabeen qeybtii labaad inay fursado kale abuuraan, daqiiqadii 56aad Marcelo ayaa kubad cirka ah ku garaacay Goretzka laakiin waxaa kubada baadiyay goolhaye Neuer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here