Gabdhaha Saameynta Ku Dhex leh Baraha Bulshada oo Xabsiga loo Dhigay Muuqaallo ‘Dhaqanka Bulshada ka Baxsan’ Dartiis.

0
175

urarrada u dooda Xuquuqda adaanaha ayaa dowlada masar ka dalbaday inay xabsiga kasii deyso koox dumar ah oo saameyn ku dhex leh baraha bulshada,

kuwaasoo dhawaan loo xirxiray sameynta muuqaallo ‘wax u dhimaya shuruucda qoysaska u yaalla ee dalka Masar’.

‘Gabdhaha Tiktok’ ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay shaaciyeen muuqaallo baraha bulshada la iskula wadaagay oo muujinaya iyagoo qoob ka ciyaar sameynaya, dhar gaar ahna xiran.

Shan ka mid ah ayaa horayba loogu xukumay middiiba labo sano oo xabsi ah.

“Waan argagaxnay markii aan maqalnay arrinta. Wax khaldan ma aysan sameynin gabadheenna –

walaashey ma aha dambiile. Kaliya waxay rabtay inay caan noqoto oo ay dad badan kusoo xirmaan,” ayey tiri Raxma, oo ah da’dii ka weyneyd

gabadha lagu magacaabo Mawada Al Adham, oo muuqaal ay baraha bulshada soo galisay awgiis loogu xukumay labo sano oo xarig ah.

Mawada, OO 22 jir ah, waa ardayad dhiganeysay jaamacadda, waxaana loo xukumay inay ku xad-gudubtay sharciga akhlaaqda qoysaska dalka Masar.

Waxaa xabsiga loo taxaabay bishii May ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay muuqaallo soo galisay Tiktok iyo Instagram,

waxaana laga arkayaa iyadoo bishimaha la raaceysa heeso islamarkaana ku ciyaareysa dhar kuwa gabdhaha kuwa gabdhaha wax xayeysiiya xidhaan ah.

Dacwad oogeyaasha ayaa muuqaalladeeda ku tilmaamay kuwo aan waafaqsaneyn dhaqanka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here