Kooxda Arsenal Oo Heshiis Cusub La Gashay Ciyaaryahanka Pierre-Emerick Aubameyang.

0
137

Jowhar (Isnaay Radio) Arsenal ayaa bilowday qorista iyo qaabaynta heshiis cusub oo uu ogolaaday inuu qalinka ku duugo weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, kaas oo ka saaraya werwerkii haystay tababare Mikel Arteta oo ka walaacsanaa sida uu kooxdu noqon doonto haddii uu laacibkani diido inuu qandaraaska kordhiyo.

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Arsenal ayaa ugu dambayn soo afjaray kala duwanaanshahoodii waxaanay gaadheen heshiis cusub oo lagu kordhinayo qandaraaska laacibkan oo hal sano u hadhsanaa.

Warkan farxadda leh ee usoo yeedhay taageereyaasha Arsenal oo maalmo ka hor soo dhoweeyey Willian oo uga soo wareegay Chelsea, waxa uu tibaaxay in labada dhinac aanay wali saxeexin heshiis rasmi ah laakiin ay heshiis afka ah ku gaadheen in saddex sannadood uu saxeexo.

Qandaraaskan cusub ayaa sare u qaadaya lacagta mushaharka ah ee uu qaato Pierre-Emerick Aubameyang, waxaanu usbuucii u xaadiri doonaa £250,000 iyadoo uu Emirates sii joogi doono illaa inta ay da’diisu ka gaadhayso 35 jir.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaacisay in heshiiskani uu si weyn sare ugu soo qaadayo niyadda ciyaartoyda oo hadda dib ugu soo laabanaya tababarka ay iskugu diyaarinayaan kulanka Community Shield ee dhamaadka bishan ay Liverpool ku wada ciyaari doonaan Wembley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here