Ciyaaryahan Romelu Lukaku Oo Ka Hadlay Kooxdiisii Hore Ee Manchester United & Sidii Ay Uga Hareen Europa League

0
133

Jowhar (Isnaay Radio) Weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku waxa  uu xalay dhaliyey laba ka  mid ah goolashii shanta ahaa ee ay kooxdiisu ku garaacday Shakhtar Donetsk, waxaanu ka caawiyey kooxdiisa inay iska xaadiriso finalka Europa League ee xili ciyaareedkan oo ay ku kulmi doonaan Inter Milan.

Finalka ayaa la saadaalinayay inay iskugu iman doonaan Inter Milan iyo Manchester United laakiin Sevilla ayaa kooxda reer England dhexda u gashay oo ka reebtay tartanka, taas oo ka dhigan in Red Devils aanay xili ciyaareedkan wax koob ah ku guuleysanin.

Romelu Lukaku oo warbaahinta la hadlayay markii ay dhamaatay ciyaartii ay Inter ugu soo baxday finalka, ayaa wax laga weydiiyey naadigiisii hore ee Manchester United, waxaanu caddeeyey in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu shaqo fiican soo qabtay, intii karaankiisa ahaana uu isku dayay inuu naadiga keeno finalka.

Waxa kale oo uu ka hadlay ciyaartoyda Manchester United ee bandhigga wanaagsan sameeyey xili ciyaareedkan, waxaanu yidhi: “United sidii ugu adkayd ayay iskugu dayday inay finalka timaaddo. Waxay ila tahay in dhab ahaan ay xili ciyaareed wanaagsan qaateen, waxay ila tahay in Ole uu shaqo fiican qabtay, sidoo kale ciyaartoyda ayaa si wanaagsan usoo shaqeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here