Maamulka Barcelona Oo Si Rasmi Ah Shaqadii Uga Caydhiyay Quique Setien Iyo Go’aamo Kale Oo La Soo Saaray.

0
107

Maamulka kooxda Barcelona ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay in shaqadii tababaranimo ee kooxda kowaad laga caydhiyay Quique Setien kadib kulan saacado qaatay oo ay boodhka kooxda Barcelona maanta yeesheen.

Quique Setien ayaa shaqadii tababaranimo ee Barcelona laga caydhiyay kadib markii ay kooxdu xili ciyaareedkan ku dhamaysatay koob la’aan isla markaana ay qaab fadeexad ah uga hadheen tartanka Champions League oo ay Bayern Munich kala kulmeen guuldaro 8-2 ah

.Maamulka kooxda Barcelona ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in doorashada madaxtinimo la qaban doono March 15,2021 inkasta oo aanu kaasi ahayn go’aankii ay doonayeen dadka isbadalka buuxa ka doonaya Camp Nou.

War saxaafadeed ay Barcelona soo saartay ayaa lagu bilaabay: “Boodhku waxay isku raaceen in aanu Quique Setién sii ahaan tababaraha kooxda kowaad. Kani waa go’aankii ugu horeeyay ee dib u qaabayn balaadhan oo kooxda kowaad lagu samayn doono”.

“Waxaa tan isku raacaya agaasimaha ciyaaraha iyo tababaraha cusub kaas oo maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono” ayaa qoraalka Barcelona la sii raaciyay.

Quique Setién ayaa muddo dhawr bilood ah oo sanad ka yar soo hayay shaqada tababaranimo ee Barcelona wuxuuna badalay Ernesto Valverde oo intii xili ciyaareedan dhamaadya lagu jiray isna shaqada laga caydhiyay.

Laakiin Quique Setién oo markii la magacaabay ay dad badani sii saadaaliyeen in aanu ku haboonayn shaqadii cuslayd ee uu Valverde ku fashilmay ayaa markan isla kulmay shaqo ka caydhin isaga oo aan wax koobab ah kooxda kula guulaysan.

Barcelona ayaa shaacisay in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan tababaraha cuusb ee badali doona Quique Setién kaas oo la fadhiisan doona agaasimaha ciyaaraha ee Eric Abidal waxayna isla qaadan doonaan isbadalada ay kooxda kowaad u baahan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here