Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo Sababay Sare u Kac Dhinaca Maciishadda ah Deegaano Hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

0
148

Tuulada Cali fooldheere oo Qiyaastii 8-km Dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan  Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Waxaa Saameyn Xoogan ku yeeshay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo jaray Wadada Xiriirisa Tuuladaasi iyo Degmada Mahadaay  Muddo laba bilood ah.

Dadka Kunool Tuuladaasi  ayaa haatan u adeeg doonta  Deegaanka Biyo cade oo u jirta 12km  sidii ay ku heli lahaayeen Raashin ay isticmaalaan Madaama  isku socodka gaadiidka iyo Dadka ee Wadada Xiriirisa  Mahadaay iyo Cali-fooldheere ay kala xirmeen.

Axmed  Nuur Macallin oo ka mid ah dadka Tuulada Cali-fooldheere ayaa Sheegay  in sare u kac Xagga  Maciishada ah laga dareemayo Tuuladaasi waxaana uu xusay in rajo wanaagsan oo laxiriirta Furitaanka Wadada Xiriirisa Degmada Mahadaay iyo Deegaanka Cali fooldheere ay sugayaan Dadka kunool Tuuladaasi isagoo Bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay in ay kudadaalaan Caawinta dadaka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana uu Maamulka Gobolka ugu baaqay in ay kaqeybqaataan Sidii loo xiri lahaa biyaha kasoo fatahay Buqda Huriwaa oo  Duleedka Galbeed kaga aadan Degmada Mahadaay

warbixintaan waxaa inoo soojeedineysa:-Maryama Sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here