Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee Sheikh Xasan Barsane Oo sheegay in ay Yaraatay Ardayda isticmaasha Maandooriyaha Taabuuga.

0
147

Laga soo bilaabo sanadii 2018 ilaa bilowga Sanadkaan 2020 Waxaa goobaha waxbarasho ee deegaanada Gobolkaan shabeelaha dhexe Saameeyay Maandooriyaha Taabuuga kaasi oo Dalka kasoo galay dhinaca Wadanka india sida ay sheegeen Dhaqaatiirta waxaana uu Maandooriyahaan waxbadan ka badalay Hab dhaqan Ardayda Qaar Ee Wax ka Barata Iskuulada Magaalada Jowhar.

Waxaa inta badan Maamuleyaasha macallimiinta iyo Bulshada Qeybaheeda kala Duwan Ee Ku Nool Magaalada Jowhar ay Qeylo dhaan ka Muujiyeen Maandooriyahaasi waxaana wacyegalin is daba jooog ah oo laga Sameeyay Halista Maan dooriyahaan kadib ayaa hada waxaa Muuqata in Gabi ahaanba istaagay isticmaalkiisa.

Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee Sheikh Xasan Barsane Axmed Cabdi Maxamuud ayaa Radio isnaay u sheegay in Hada uu san jirin arday ku isticmaala gudha iskuulka Maandoriyaha Taabuuga.

Dhinaca kale waxa uu Axmed Cabdi sheegay in ay jirto saameynta Maandooriyaha Xashiishada kaas oo uu ku Baaqay in Loo wada istaago sidii loo ciribtiri lahaa maadaama uu bulshada dhibaato badan ku haay.

warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaaya:-Cusmaan Cabdalla Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here