Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday In Mid Ka Mid Ah Xiddigaheedu Uu Heshiis Rasmi Ah Kaga Baxay & Lacagta Ay Ku Iibiyeen.

0
195

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah uu uga tegay mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee usoo baxayay, waxaanu u wareegay naadiga Celta Vigo ee ka dhisan waddanka Spain, isaga oo ka hor iman doona naadigiisa hore.

Celta Vigo ayaa soo bandhigtay Miguel Baeza oo ay kala soo wareegtay Real Madrid, waxaanay ka bixisay lacag dhan 2.5 milyan oo Euro.

20 jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah, laakiin oo uu Celta Vigo u saxeexay, laakiin waxa mulkiyaddiisa aan sii wada deynin Real Madrid oo xuquuqdiisa yeelanaysa 50%, taas oo ka dhigan in haddii ay Celta sii iibiso ay Los Blancos qaadan doonto kala badh lacagta.

Baeza ayaa xili ciyaareedkii 2019/20 waxa uu u cyaaray kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla oo uu tababare u yahay Raul Gonzalez, waxaana uu saftay 32 kulan oo Segunda Division B ah iyo EUTA Youth League isaga oo dhaliyey 10 gool, lix kalena caawiye ka noqday.

Kubbad-sameeyahan oo lagu tilmaamo ciyaartoyda da’da yar ee  hibada ciyaareed leh ayaa noqday saxeexii saddexaad ee ay Celta Vigo samayso intii uu furmay suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan oo dhamaadka bishii July loo fasaxay kooxaha.

Waxa ka horreeyey oo Celta Vigo ay heshiisyo xor ah kula soo wareegtay Renato Tapia iyo Alvaro Vadillo.

Celta Vigo oo u dagaallamaysa sidii ay horyaalka LaLiga ee xili ciyaareedka hore ugu soo ruqaansan lahayd kaalmaha sare waxay hadda dedaalkeeda iskugu geynaysaa sidii ay u haysan lahayd Rafinha Alcantara iyo Jeison Murillo oo ay amaah ugu ciyaarayay fasal ciyaareedkii dhamaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here