Manchester City vs Lyon – Taariikhda Madow Ee Guardiola Ka Ordayo, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhaawacyada & Ganaaxyada

0
138

JOWHAR ( Radio – Isnaay ) Manchester City oo wareeggii 16ka kusoo garaacday Real Madrid ayaa ka hor tegayso Lyon oo waddo soo marisay Juventus oo haysata xiddigaheedii waaweynaa oo dhan, waxaana midkooda soo badiyaa uu semi-finalka afka ka gelayaa Bayern Munich oo xasuuq xun usoo geysatay Barcelona.

Tababare Pep Guardiola oo sababtii ugu weynayd ee Manchester City ay u keensatay ahayd inuu ku hoggaamiyo koobka Champions League oo aanay waligood ku guuleysan, waxa uu fiidka hore ee caawa ka ogaan doonaa garoonka Estadio Jose Alvalade haddii uu u gudbi karayo semi-finalka oo uu naadigiisii hore ee Munich ka hor tegi doono, iyo haddii waayihiisa Etihad Stadium uu kusii jiri doono fashilka maadaama aanu wixii loo keensaday wali waxba ka qaban.

City oo xili ciyaareedkan lagaga soo guuleystay Premier League oo ay Liverpool dhibco rikoodh kaga qaadday, waxa sidoo kale ay murugo kaga baxeen FA Cup oo ay Arsenal si xun ugu karbaashtay semi-finalkii.

Laakiin waxay qaab kalsooni leh iyo guulo ay u qalmaysay kasoo heshay Real Madrid oo labadii ciyaarood ee wareegga 16ka ay kusoo garaacday iyadoo lugtii dambena ay heleen laba hadiyadood oo uu ugu deeqay difaaca reer France ee Raphael Varane, xilli iyagana laga dhaliyey hal gool, waxaana celceliska labada lugood ay kusoo baxeen 4-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here