Dalalka Jaamacadda Carabta oo kordhinaya taageerada ay siiyaan Soomaaliya

0
168

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qayd & Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay yeesheen wada-hadallo dhinaca khadka taleefoonka ah, iyaga oo ka wada hadley Arrimo dhowr ah.

Sida lagu daabacay Shabakadda bald-news.com ee kasoo baxda dalka Masar Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qayd ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dhageystay warbiixn ku saabsan xaaladaha Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo horumarada kajira dalka Soomalaiya.

Shakabadda Al-Balad News ayaa shaacisay, iyada oo soo xigneysay Xubno ka tirsan Xafiiska Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qayd in dalalka Jaamacadda Carabta ay balan qaadeen inay kordhinayaan taageerada Amni iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya u sheegay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qayd in Soomaaliya ay tahay mid soo hagaagtay,isla markaana Dowladda Soomaaliya ay waqti badan gelineyso sidii loo sugi lahaa Amniga Guud ee dalka.

Wadamada jaamacadda oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay ayaa waxaa ay taageero dhaqaale iyo mid amni siiyaan Soomaaliya oo weli ku guda jirta xilliga soo kabashada,isla markaana ay ka socdaan qorshayaal dhowr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here