Khatarta Lewandowski, Dhawacii Lionel Messi & Dembele Iyo Quique Setein Oo Ka Hadlay Kulanka Barcelona Iyo Bayern Munich

0
170

Tababaraha Barcelona, Quique Setien ayaa meesha ka saaray in isbarbar-dhigga lagu samaynayo waxqabadka weeraryahanka Robert Lewandowski iyo Leo Messi, waxaanu ka hadlay kulanka adag ee ay kooxdiisu kaga hor tegayso Bayern Munich.

Barcelona iyo Bayern Leverkusen ayaa foodda isku daraya wareegga siddeeda tartanka Champions League, ciyaar lug kaliya ah oo midkooda soo badiyaa uu semi-finalka la ciyaari doono Manchester City iyo Lyon oo Sabtida ciyaaraya midkooda soo gudba.

Jamaahiirta Barcelona ayaa ka walaacsanaa xaaladda Lionel Messi oo jug kasoo gaadhay kulankii Napoli oo uu difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly uu lugta bidix ka laagay, laakiin tababare Setien oo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta ayaa niyadda u dedjiyey taageereyaasha, waxaanu sheegay inuu caafimaad qabo.

Quique Setien waxa uu ugu horreyn ka hadlay weeraryahanka Bayern Munich ee Lewandowsk, waxaanu yidhi: “Lewandowski waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin waxay ila tahay in aanu gaadhsiisnayn heerka Leo. Waxaan u malaynayaa in taasi caddahay. Waa run inuu qaab wanaagsan ku jiro, caawimo fiicanna uu ka helo ciyaartoy badan oo kooxdiisa ah oo ku xeeran.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here