Zinedine Zidane Oo Kala-dhantaalay Qorshihii Mikel Arteta Ee Xili Ciyaareedka Dambe

0
160

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa maanta gaadhay laba go’aan oo uu kusoo ceshanayo ciyaartooyo amaah kaga maqnaa, kuwaas oo saamaynaya laba kooxood oo qorshahooda xili ciyaareedka dambe ay laacibiintani udub dhexaad u ahaayeen.

Zidane ayaa maanta la shaaciyey inuu gaadhay go’aan ah in xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard uu dib ugu soo celiyo Santiago Bernabeu xagaagan, isla markaana lasoo burburiyo heshiiskii amaahda labada sannadood ahaa ee uu kula joogay Real Sociedad.Laacibkan oo qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay horyaalka Spain xili ciyaareedkan, isla markaana ka mid ahaa xiddigaha ugu hal-abuurka badnaa ayay Real Madrid go’aamisay in dib loosoo celiyo maadaama aanay jirin saxeexyo badan oo ay xagaagan suuqa u gelayaan, kuwaas oo noqon kara dhiig cusub oo dardar horleh ku soo kordhiya naadiga.

Los Blancos oo burbur xooggan ay Manchester City ugu geysatay tartanka Champions League ayaa ku qanacday in meelaha ay ka wiiqan tahay ay ka mid ahaayeen khadka dhexe oo ciyaartooyo tayo leh ay u baahan yihiin, taas darteedna inta aanay meel kale ka fikirin ay iska xoojin doonaan khadka dhexe.

Kaddib go’aanka soo celinta Martin Odegaard, Zinedine Zidane waxa la sheegay inuu go’aamiyey inuu dib usoo celiyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Dani Ceballos oo dhamaystay sannadkii amaahda ahaa ee uu Emirates ku joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here