Nin shaqaale ka ahaa shirkadda BP ee dalka Australia, oo horay shaqada looga eryay ayaa ku guuleystay lacag dhan $200,000.

0
180

Scott Tracey ayaa muuqaalka lagu matalay Hitler, oo ku jiray filimkii Downfall ee soo baxay sanadkii 2004-tii, u adeegsaday inuu ku muujiyo qaabka ay shirkaddii uu ka shaqeynayay u sameyso wadaxaajoodyada ku saabsan mushaarka.

Wuxuu muuqaalkaas soo galiyay bog Facebook ah oo markii dambe la xidhay.

Durbadiiba waxaa laga eryay shaqada. Hase yeeshee, labo sano oo uu dagaal dhinaca sharciga ah ku jiray kaddib, wuxuu ku guuleystay kiiskii ku saabsanaa in si aan caddaalad ahayn shaqada looga eryay, dib ayuuna ugu laabtay shaqadiisii.

Kharashka la siiyay ayaa ku filnaanaya khasaare badan oo uu sheegay inuu soo gaadhay intii uu shaqo la’aanta ahaa.

Muuqaalka lagu qabsaday ninka, ee ku jiray filimka Downfall, ayaa lagu matalayay dabeecadihii Adolf Hitler, waxaana ka muuqda isagoo si cadho leh ula hadlaya janaraalladii ka hoos shaqeynayay.

Laakiin Scott Tracey wuxuu ku dul qoray qoraallo muuqaalka hoos soconaya oo shactiro ah.

Mas’uuliyiinta shirkadda BP ayaa sheegay in falka uu sameeyay ninkaas uu ahaa “mid aad u xun” sidaas awgeedna shaqada looga eryay Mr Tracey.

 

Wuxuu markii hore kiiskiisa hor geeyay guddi xaqiiqo raadin ah, isagoo ku doodaya in caddaalad darro lagu eryay, laakiin wuu ku guul darreystay kiiskaas.

 

Mr Tracey ayaa markaas kaddib racfaan qaatay, isagoo ku adkeystay inuusan si ulakac ah cidna wax ugu dhimin, muuqaalkaasna uu uga dan lahaa majaajilo kaliya.

 

Wuxuu intaas ku daray inuusan muuqaalka dhexdiisa ku magacaabin BP iyo cid kale oo gaar ah toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here