Dadka ku nool Tuulada Garas Dheere Ee Degmada Raaga Ceele Oo Ka Hadlay Muhiimada Ceelbiyood laga Qoday Tuuladasi.

0
146

Tuulada Garas dheere oo 28km u jirta Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu guuleeystay  in laga qodo  Ceel biyo macaan oo si Waqaf ah u dhiibtay Muxsin Soomaali ah  oo Ku Nool Dalka Sacuudi Carabiya kana Soo jeeda Deegaanka Ceel Biyoodka laga Qoday.

Ninkan oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Dhoof ayaa soo Wakiishay Waxgarad uu ka mid yahay Cali Nuur Xasan Cali Qalac wuxuu Radio Isnaay usheegay Qaabka  Ceelka Looga Hirgaliyay Deegaanka.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Maryama Sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here