Dowlada Soomaaliya oo si rasmi ah ugu wareejisay maamulka gobolka Banaadir waxbarashada Caasimada

0
159

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho islaamarkaana uu ka qeyb galay sii haya raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo iyo qaar ka mid mid ah siihayeyaahsha wasiirrada ee Xukuumadda kalsoonida lagala laabtay ayaa goob joog ka ahaa wareejinta nidaamka waxbarashada ee gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir in lagu wareejiyo nidaamka waxbarashada ee gobolkan ayaa keentay kaddib markii maamulada dalka ka jira loo madax bannaaneeyay nidaamyadooda dhanka waxbarashada iyo qaadista imtixaanaadka  marka laga reebo midka midaysan ee shahaadiga ah.

Gobolka Banaadir maamulkiisa ayaa ku wareejisay wasaaradda waxbarashada nidaamka waxbarasho ee dugsiyada hoose iyo midka dhexe, hadda kaddibna ay masuul ka noqon doonaan qaadista imtixaanaadka, wasaaradda waxbarashaduna ay ku yeelan doonto kor joogteyn sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda.

In la wareejiyo nidaamkaan waxbarasho ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay qaadatay muddo sanado ah kaddib markii maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda waxbarashada ay ku heshiiyeen maantana sidaa lagu wareejiyay.

Maamulka gobolka Banaadir masuuliyiintiisa ayaa waxa ay sheegeen in wax lagu farxo ay tahay in nidaamka waxbarashada ee gobolkan lagu wareejiyo islamarkaana sida ugu haboon loo maamuli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here