Barcelona Oo Cashar U Dhigtay Napoli Iskana Xaadirisay Wareega 8da Champions League.

0
132

Kooxda Barcelona ayaa cashar ugu dhigtay gurigeeda Camp Nou kooxda Napoli iyagoo ku garaacay 3-1 ah lugtii labaad ee wareega 16ka Champions League taasoo ka dhigan inay wadar ahaan labada lug kooxda Barca ay ku garaacday Napoli 4-2.

Cabsi badan ayaa laga qabay kulankaan ka dib markii ay lugtii hore ee ka dhacday San Paolo ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, laakiin tababare Setien ayaa shaqadiisa badbaadsaday iyadoo Blaugrana ay iska xaadirisay wareega 8da dhamaadka oo ay isku balansan yihiin Bayern Munich oo iyagana ka soo gudubtay Chelsea.

Bilowgii ciyaarta Napoli ayaa ka naxsatay Barcelona iyagoo birta u garaacay, laakiin kooxda Azulgrana ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 10aad markii koorno uu soo qaaday Ivan Rakitic uu madaxa ku dhaliyay daafaca dhexe Lenglet.

Barcelona ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 23aad iyadoo mucjisada reer Argentina uu dhaliyay gool lama filaan aheyd oo u farsamadiisa ku muujiyay, waxa uu ka dhex baxay afar daafac isagoo ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Ospina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here