Mareykanka Oo Si Rasmi ah U Mamnuucay Isticmaalka Aalada Tik Tok Ee Shiinaha laga Leeyahay.

0
228

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo lagu mamnuucayo shirkadda ay hoos tagto TikTok ee ByteDance oo waayahan ba eedeyn kala kulmeysay xukuumadda Washington.

Amarkan madaxweynaha ayaa dhigaya in Mareykanka “ay khasab tahay in tallaaba adag uu ka qaado milkiilayaasha shirkadda TikTok, si loo difaacao ammanaka qaranka Mareykanka”.Dhaqangalka amarkan oo bilaabmaya 45 cisho gudahood ayaa sidoo kale dhigaya in la mamnuucayo shirkad walba oo Mareykanka ah oo iskaashi dhaqaale ama xiriirkale la yeelato ByteDance.

Aaladda baraha bulshada ee TikTok oo hore loogu eedeeyay inay u basaasto Dowladda Shiinaha oo uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin Mareykanka ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay ee ahaa in bartaas ay maamuusho ama ay saami ku leedahay dowladda Shiinaha. Waxaa kale oo ay waxba kama jiraan ku tilmaameen in xogta khaaska ah ee daka isticmaala TikTok ay u gudbiso Xukuumadda Beijing.

Maalin kahor, madaxweyne Trump waxaa uu sidoo kale saxiixay amar kaas lamid ah oo lagu mamnuucayo shirkadda WeChat oo iyana laga leeyahay Shiinaha.

Aaladdan Wechat ayaa ah mid bulshada ay isticmaasho oo farriimaha la isugu diro.

Labada amar ee uu soo saaray madaxweynaha, waxaa uu ku sheegay “in tallaabooyin dheeraad ah ay khasab tahay in la qaado si wax looga qabto xaaladda degdeg ah, loona ixtiraamo macluumaadka iyo isgaarsiinta tiiknoljiyadda”.

 

Wuxuu intaa ku daray “in barnamijyada taleefoonada ee laga leeyahay dalka Shiinaha ee isticmaalkooda uu aadka ugu batay gudaha Mareykanka ay wali khatar ku yihiin ammanaka qaranka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here