Dadka Udhimanaya Karoona feyras Calamka Oo Sii kordhaaya

0
187

Jowhar(Radio Isnaay)– Tirada dhimashada caalamka ee COVID-19 ayaa kor u dhaaftay in ka badan 700,000 , sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Baraasiil, Mareykanka , Meksiko iyo Hindiya ayaa hoggaaminaya dhimashada caalamka ee COVID-19 oo hadda dunida ku soo laba lixaadsanaya.

Ku dhowaad 5,900 oo qof ayaa COVID-19 caalamka ugu dhinta 24 saac kasta celcelis ahaan sida, laga soo xigtay xogta Reuters labadii toddobaad ee aan soo dhaafnay, tani ayaa ka dhigan in 15 il-biriqsi walba uu caalamak qof ugu dhinto COVID-19.

Mareykanka iyo waddamada Laatiin Ameerika ayaa udub dhexaad u ah tirada dhimashada, waxa ayna ilaa haatan la dhibaatoonayaan xakameynta feyraska sida fudud ku faafa ee Karoona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here