Heshiiskii Laacibka Sancho Ee Kooxaha Manchester United iyo Borussia Dortmund Oo Qarka U Saaran Inu Burburo.

0
157

Manchester United ayaa kooxda Borussia Dortmund ugu hanjabtay in ay iskaga bixi doonto wada xaajoodka heshiiska Jadon Sancho haddii ay meel dhexe iskugu iman kari waayaan.

Kooxaha Manchester United iyo Borussia Dortmund ayaa hore ugu wada jiray wada xaajoodyo horumar laga sameeyay laakiin war deg deg ah oo hadda soo baxay ayaa sheegaya in madaxda Man United ay Dortmund ugu hajabeen in ay ka dhaqaai doonaan wada hadalka.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ku dhegtay in haddii ay Manchester United doonayso in ay dhamaystirto heshiiska Jadon Sancho in ay bixiso 108 milyan gini laakiin maamulka United ayaa aaminsan in kooxda reer Germany ayna qiimaynteedu ku salaysnayn xaalada dhaqaale xumo ee uu aduunka ka abuuray karoona fayras.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in habeenimadii xalay ay maamulada kooxaha Manchester United iyo Borussia Dortmund ay ku kala fogaayeen qiimaynta Sancho laakiin  Ed Woodward  ayaa Dortmund u sheegay in sanadkan uu qiimaha ciyaartoydu si wayn uga badalnaanayo sanadihii hore sababtoo ah dhibaatada karoonaha.

Dhinaca kale wargayska Telegraph ayaa isna sheegay in Manchester United iyo Borussia Dortmund ay ku kala fogaadeen wada xaajoodkii Sancho isla markaana ay United ku hanjabtay in ay wada hadalka ka bixi doonto haddii aan qiimayn Sancho hoos loo soo dhigin.

Waxa kale oo isla xogtan shaaciyay wargayska The Athletic iyada oo lagu xusay in Manchester United ay ku hanjabtay in ay ka dhaqaaqayso wada xaajoodkii ay Dortmund kula jirtay ee Jadon Sancho haddii qiimaha ayna waxba iska badalin.

Laakiin markii ay kooxda Borussia Dortmund ka soo dhaqaaqi wayday qiimaha ay ku doonayaan Sancho,  Ed Woodward  iyo kooxda wada xaajoodka kula jirtay Dortmund ayaa ku hajabay in ay gabi ahaanba ka bixi doonaan heshiiska ay Sancho ku doonayeen.

Ed Woodward iyo kooxdiisa Manchester United ayaa ku guulaystay in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadheen Sancho iyada oo 20 sano jirkani uu diyaar u yahay in uu Old Trafford ku soo biiro balse waxaa hadda soo baxday dhibaato dhinaca qiimaynta xidigan ee kooxaha Man United iyo Dortmund.

Man United ayaan diyaar u ahayn in ay markale jabiso rekoodhkii suuqa kala iibsiga ee ay Pual Pogba ugu dhigtay 89 milyan gini laakiin xaalada ayaa noqotay mid kacsan oo khilaaf ka dhex abuurtay kooxaha markii hore isku soo dhawaaday ee Dortmund iyo United.

Manchester United waxay doonaysaa in Sancho ay kula soo wareegto lacag ka hoosaysa 100 milyan gini laakiin Dortmund oo lacago waali ah ku iibinaysay ciyaartoy da’yar ah oo ay fursad kooxdeeda ka siisay ayaa u muuqata in ay ogtahay in ay soo bixi karaan kooxo kale oo United kula tartami doona saxiixa Sancho iyaga oo diiday in ay ka soo degaan 108 milyan gini.

Ed Woodward iyo maamulka kooxdiisa ayay hadda u taagan tahay laba daran mid dooro oo ah in ay ka baxaan wada xaajoodka oo ay kaga dhabeeyaan hanjabaada ay Dortmund u soo jeediyeen iyo in uu qaato lacag waali ah oo aan waqti xaadirkan ciyaartoy lagu iibsan karin in uu Sancho ku keeno Old Trafford.

Arinta ugu wayn ee ay maamulka Man United ka cadhaysan yihiin ayaa ah in ay u arkaan in qiimaynta Borussia Dortmund ee Sancho ay tahay mid aan xaqiiqda ku salaysnayn oo ay iska samaysteen qiimo aan hadda ahayn mid dhaqaalaha aduunku saamaxayo in ciyaartoy lagu iibsan karo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha xaalada cakiran ee ka soo baxday heshiiskii Man United ay ku doonaysay Sancho, waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena soo socda isla marka ay xog cusubi ka soo baxdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here