Dowladda Soomaaliya Oo Xoogga Saareysa Maareynta iyo ka Hortagga Masiibooyinka ka jira Dalka.

0
163

Sii hayaha wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka ku yeeshaan dalka.Wasiirka oo ka qeyb galay shir gaar ah oo uu guddoomiyay sii hayaha ra’iisal wasaaraha dalkaayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo laga jawaabayo baahiyaha jira hadana ay qasab tahay inxoogga la saaro in la sameeyo hab-dhismeedyada muhiimka ah ee ka qeyb qaata maareynta iyoka hortagga musiibooyinka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in kulanka ka dhacay xafiiska sii hayaha uu ku soo aaday waqtimuhiim ah marka la eego cabsiyada fatahaado ee ka jira meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa tilmaamay in wadashaqeyn dhaxmarta dhammaan hey’adahaDowladda ay wax weyn ka tarayso wax ka qabashada xaaladaha uu dadka masuulka ka yahay iyo kuwa dabiiciga ahba.

Waxaa Warbixintaan Soo Jeedinaaya:- Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here