Tababare Zinedine Zidane Oo Hal Arin Kaga Walwalsan Kulanka Man-City.

0
136

Real Madrid waxay isku diyaarinaysaa kulanka adag ee ay Etihad Stadium ku booqan doonto kooxdii Santiago Bernabeu guuldarada ku baday ee Manchester City waana kulanka lugta labaad ee Champions league.

Real Madrid waxaa ka maqnaan doona kabtankooda Sergio Ramos waana walwalka ugu wayn ee haysta Zidane kadib markii uu ogaaday in xogta kooxdiisa ee kulamada uu maqnaa ahaayeen kuwo musiibo ah.

Sergio Ramos ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii lugtii hore ee wareega 16ka Champions League kadib markii uu qalad ku galay gool dhaliyaha Manchester City ee Gabriel Jesus wuxuuna sidaa ku seegayaa kulanka go’aamin doona in Madrid ay ku sii jiri karto Champions league.

Guardiola ayaa Etihad Stadium marti loogu noqon doonaa isaga oo haysta guushii 2-1 ka ahayd ee Bernabeu laakiin maqnaanshaha Sergio Ramos ayaa ah mid xog ahaan walwal ugu abuuraysa Madrid.

Lixdii kulan ee ugu danbeeyay ee aanu Sergio Ramos u ciyaarin kooxdiisa Real Madrid ee kulamada Champions league waxay Real Madrid soo guuldaraysatay shan kulan oo ka mid ah taas oo la micno ah in ay lix kulan oo ay ciyaareen la’aanta Ramos ay hal kulan oo kaliya soo guulaysteen.

Guusha kaliya ee ay Real Madrid gaadhay la’aanta Ramos ee Champions League waa guushii 3-1 ka ahayd ee Club Brugge ee xili ciyaareedkan ee waliba kulankii aan micnaha lahayn markaas oo ay Madrid xili horeba ka soo gudubtay heerkii groupyada.

Rekoodhka guuldarooyinka Real Madrid ee maqnaanshaha Sergio Ramos waxa uu bilawday kulankii lugtii labaad ee siddeed dhamaadkii Champions League ee xili ciyaareedkii 2017/18 markaas oo uu Ramos seegay kulankii Juventus ee Turin waxayna Madrid ku soo guuldaraysatay 3-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here