Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Hindiya oo isbitaal loo dhigay COVID-19.

0
150

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hindiya Amit Shah iyo laba wasiir ku xigeen oo heer federaal ah ayaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla dalkaasi kaddib markii laga helay feyraska Karoona.

Weli waxaa si xowli ah u sii kordhaya tirada maalinalaha ee kiisaska feyraska Hindiya iyadoo 5 maalin gudahood ay ka sara martay 50,000 oo kiisas cusub ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaad iyo Daryeelka Qoyska Hindiya maanta oo isniin ayaa lagu sheegay in Hindiya ay diiwaan gelisay maalmihii ugu dambeeyay 52,972 kiis, taas oo wadarta guud Hindiya ka dhigeysa 1.8 milyan, waana dalka saddexaad dunida oo dhan marka laga soo tago Mareykanka iyo Baraasiil.

Tirada dhimashada COVID-19 ee Hindiya saacidihii la soo dhaafay laga soo weriyey in ay gaaartay 771 taasi oo si guud Hindiya uga dhigeysa in kabadan 38,000 oo dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here