Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Barakiciyay Qaar kamid ah Dadkii ku Noolaa Tuulada Labaga ee Duleedka Magaalada Jowhar.

0
168

In ka badan 400 oo qoys oo isugu jirta Xoolo dhaqato iyo Beeraleey ayaa bilaabay inay ka Barakacaan goobihii ay deganaayeen Kidib Markii Fatahaadaha Wabiga Shabeelle ay galeen Guryahoodii.

Dadka degan Tuulada Labaga ee Duleedka Waqooyi Galbeed kaga aadan Magaalada Jowhar ayaa hadda wajahaya Xaalad Barakac iyo jahwareer ah kadib markii mudo laba bilood ah ay Biyaha ku Dadaalayeen inay iska xiraan Balse shalay, Xalay iyo  Maanta ay bilaabeen inay u barakacaan Tuulooyinka Dhaay gawaan , Xaanshooley iyo Magaalada Jowhar sida uu Radio Isnaay u sheegay Cabdi cali gureey oo ka mid ah dadka Degan Tuuladaasi.

Warbixintaan waxaa Inoo soo Jeedineysa:-  Maryama Sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here