Kooxda Juventus oo Ku Faraxday Go’aanka uu Ronaldo Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Turino.

0
145

Jowhar ( Radio Isnaay)   Cristiano Ronaldo ayaa go’aan buuxa ka gaaray mustaqbalkiisa ku aadan kooxda oo katirsan yahay ee Juventus wuxuuna meesha ka saaray wararkii sheegayay in uu xagaagaan kabaxayo Old Lady Kadib markii uu koobkiisii labaad ee Serie A kula guulaystay Juventus waxa uu Cristiano Ronaldo ka hadlay waxa uu mustaqbalka qorshaysanayo.

Cristiano Ronaldo ayaa laba sanadood ka hor ku soo biiray Juventus waxaana shaki la galinayay in uu Turin sii joogi doono kadib markii uu caabuqa karoona saaamyn xun oo dhaqaale ku yeeshay kubbada cagta iyada oo ay soo baxayeen warar sheegaya in Juventus aysan sii bixin karin mushaarkiisa waalida ah.

Cristiano Ronaldo oo 35 sano jir ah ayaa Juventus u soo dhaliyay 52 gool oo Serie A ah kadib markii uu saftay 64 kulan waxaana ku jira 31 gool oo uu xili ciyaareedkan soo dhaliyay.

Cristiano Ronaldo walaashii Elma Aveiro ayaa mustaqbalkiisa shaki ku sii abuurtay markii ay eedayn dusha ugaga tuurtay Maurizio Sarri iyo kooxda Juventus guuldaradii finalkii Coppa Italia ee ay Juventus  kala kulantay kooxda Napoli markaas oo ay abuurtay shakiga mustaqbalka Ronaldo.

Ronaldo walaashii Elma Aveiro  ayaa bishii June markii ay Juventus guuldarada kala kulantay Napoli ee finalkii Coppa Italia waxay soo qortay: “Maxaa intaas ka badan ee aad qaban kartaa?, Kaan Jeclaayow ma samayn kartid mucjisooyin adiga kuu gaar ah. Ma fahmi karo sida aad qaabkaas ugu ciyaari karto”.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa bartiisa Instagram ku soo qoray fariin uu ku cadeeyay in uu ku faraxsan yahay joogitaanka kooxdiisa Juventus wuxuuna tilmaan ka sii bixiyay waxa uu doonayo xili ciyaareedka cusub.

Ronaldo ayaa soo qoray: “Waan ku faraxsanahay in aan ku soo guulaystay laba ka mid ah koobabkii Serie A ee 9 kii koob ee xiriirka ahaa ee Juventus, waxay u muuqataa in ay sahlan tahay laakiin ma aha”.

“Waa sanadba sanadka ka danbeeya iyo hibada, ka go’naanshaha iyo shaqada adag ee aad ku gaari karto hadafkaaga oo aad ka fiicnaato sidii ka hor, aan ku socono koobkayga saddexaad”. ayuu Ronaldo qoraalkiisa raaciyay.

Kalmada “Aan ku socono koobkayga saddexaad” ayaa noqotay arinta cadaynta buuxda ka bixisay in Ronaldo uu go’aan buuxa ka gaaray mustaqbalkiisa oo uu sii joogi doono Juventus isaga oo meesha ka saaray shakigii kooxo kale lagula xiriirinayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here