Ciro Immobile Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Kabaha Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Qaarada Yurub.

0
157

Jowhar (Radio Isnaay)- Weeraryahanka kooxda Lazio ee Ciro Immobile ayaa si rasmi ah ugu guuleystay labada kab dahab ee gool dhalinaha horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da iyo mida guud ahaan horyaalada qaarada Yurub ee European Golden Boot.

Immobile ayaa tartanka ugu adag kala kulmayay hoggaanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kahor kulamada ay la kala ciyaarayaan kooxahoodu Napoli iyo AS Roma caawa.

Haddaba, sababta uu Immobile u hantay labada kab dahabood kahor ciyaaraha caawa ayaa ah in Cristiano Ronaldo gabi ahaanba laga reebay liiska xiddigaha kooxdiisa Juventus ee kahor tagaya caawa Roma.

Immobile ayaa haatan leh 35 gool waxaana uu afar gool ka sarreeyaa Cristiano Ronaldo, walow waxkasta laga filan karayo Ronaldo oo hore wacdarro usoo dhigay haddana tababare Maurizio Sarri ayaa go’aansaday inuu u nasiyo UEFA Champions League

Dhinaca gool dhalinta Yurub, Immobile ayaa dhawaan dhaafay hoggaankana ka qabtay xiddiga Bayern Munich Ee Robert Lewandowski oo 34 gool hoggaanka kusoo hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here