Fatahadaha Wabiga Shabeelle Oo Saameeyay Tuulada Mareerey

0
184

Tuulada Mareerey Waa Tuulo Kamida Ah Tuulooyinka Hoos yimaada  Magaallada  Jowhar Waxa Saameyn Xoog Leh Ku Yeeshay Dadka Deganaa Tuulada Fathaada Webiga Shabeelle Waxa Uuna Cagata Mariyay Dalagyadii Ay Beerteen Waxaa Intaasi Sii Dheere In  Inta Badan Dadkii Deganaa Ay Ka Barakacaan Tuulada.

Gudoomiyaha Tuulada Ismaaciil Macalin Yoonis Oo La Hadlay Idacaada Isanaay Ayaa Sheegey In Dhibaatooyin Kala Duwan Ay Heysato Dadka Ku Nool Tuulada Mareerey Waxa Uuna Sheegay In Tuulada Ay Gudoomiyeen Biyaha Webiga Shabeelle Dadkana Ay Ku Nool Yihiin Xaalad Adag oo dhanka nolosha.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ayaa Xusay In Webiga Uu Wada Biyo Badan Ayna Markale Ka Cabsi Qabaan in Uu Ku Fataho Tuulada Waxa Uuna Sheegay in Maamulka Gobolka U Gaarsiiyay Jawaano Ay is Kaga Difaacaan Biyaha Webiga  Shabeelle.

Waxa Uuna Muslimiinta Wax Heysta Ugu Baaqay In Gurmad Lagaar Siiyo Dadkaasi Oo U Baahan Gargaar Bini,Aadanimo.

Warbixintaas waxaa inoo soo jeedinaya:-Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here