Maamulka Degmada Jowhar Oo Bulashada Ka Codsaday Iney Kala Shaqeyaan Ciribtirka Mandooriyaha.

0
169

Iscticmaalka mandooriyaha waa xaalad qatar ku noqon karta nafsadaada iyo bulashada aad ku dhex nooshahay waxaana ka mid ah xashiishka iyo tabuuga dhibaato xaga maskaxda ah ayuu sababaa mararka qaar iyado dadka isctimaala mandooriyaha ee maskaxdooda ku mirdoorsamay inta badan waxaa la geeya goobaha caafimaadka si loo ilaaliyo xaaladooda.

Agaasimaha isbitaalka Dhimirka ee magalada jowhar dr maxamed muuse jilacow ayaa sheegay inta ugu badan ee isbitaalka la keeno ay yihiin dhallinyaro isticmaala mandooriyaha …………….

dhinaca kale nabadoon jiis colow oo ka mid ah  waxgaradka jowhar ayaa ka hadlay dhibaatada uu leeyahay iscticmaalka mandooriyaha sida xashiishka……

Taliyaha saldhiga boliiska magalada jowhar dhame maxamed siyaad cali ayaa bulshada reer jowhar ka codsaday iney la shaqeyaan si loo ciribtiro isticmaalka mandooriyaha…………..

sanadihii ugu dambeeyey waxaa soo kordhaayey dhallinyarada isticmaleysa mandooriyaha sida tabuuga waxana jira wacyigallin ku saabsan qatarta uu leeyahay mandooriyaha oo ay sameynayaan maamulka degmada jowhar iyo bulshada qaarkooda si loo ilaaliyo badqabka jiilka so koraaya iyo degaanka.

Warbintaas waxaa inoo soo jeedinaya:-Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here