Faa’iidada Caanaha Naaska Hooyada Carruurtu waxay ka helaan Caafimaad iyo koriimo dheeli tiran waa haddii lixda bilood ee ugu horeeysa ilmaha loo siiyo sida saxda ah Maadaama Naaska ay ku jiraan waxkasto oo nafaqo ah ilaa laga gaaro 2da Sano haddii uusan imaan waxyaabo kale . sida ay noo sheegeen dhaqaatiirta.
Hooyooyinka qaarkood ee suuqyada ka shaqeeya ayeysan suuro gal u ahayn in ay sidii loogu talagalay Naaska u siiyaan Carruurtooda madaama ay la daaladhacayaan soo dhicinta Biilka Qoysaska inkastoo ay jiraan kuwa guri joog ah oo awooda inaay sidii loogu talagalay ee saxda ahayd u nuujiyaan ilmahooda.
DRS Nimco Siciid Cali waa mid kamid ah Gabdhaha Dhalinyaradda ah ee bartay Cilmiga Caafimaad waxay sharaxeeysaa Faa’iidada Caanaha Naaska Hooyada u leeyahay dhalaanka yar.
Warbixintaas Waxaa Inoo Soo Jeedineysa:- Maryama Sheikh Cabdi.