Wabiga Shabeelle Oo Markale Ku Fatahay Tuulooyin Hoostaga Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

0
206

Tuulada Mukay Dheere Oo Qiyaastii 15 Km Dhinaca Waqooyi Kaga Beegan Degmada Balcad ayaa Waxaa Markale Ku Fatahay Wabiga Shabeelle Isagoo Cagta Mariyay Dhammaan Dalagyadii U Beernaa Dadka Degan Tuuladaasi.

Biyaha Fatahaada ayaa Sidoo Kale Sababay Inay Ku Barakacaan Boqolaal Qoys Oo Deganaa Tuuladaasi Waxaana ay Dalbadeen Gurmad Deg deg ah.

Gudoomiyaha Tuulada Mukay Dheere Siid Cali Cusmaan oo la hadlay Idaacada isnaay ayaa Maamulka Hirshabeelle, Madaxda Dowlada Federaalka Iyo Hey’adaha Samafalka Ka Dalbaday in ay u Gurmadaan Dadka Ku Dhibaateysan Tuuladaasi.

Warbixintan waxaa inoo Soo Jeedineysa:-  Xaliima Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here