Waxaa weli taagan saameynta uu fatahaada webiga shabeelle uu ku yeeshay tuulada raqayloow buur dheere taa oo aan weli dadkii ka barakacay aysan ku noqon halka qaarne ay horay ugu sugnaayeen dhulka Sare ee tuulada.
Gudoomiyaha tuulada raqayloow buur dheere maxamed qureysh oo wareysi siiyay idaacda isnaay ayaa ka hadalay xalaada tuulada waxa uuna sheegay in dadka ay ku nool yiihin xaalad adag oo dhanka nolosha ah taasi uu sabab uga dhigay roobabkii ka Da’ay tuulada iyo biyaha webiga shabeelle oo is biirsday.
Dadka Ku Nool Tuulada ayaa Wali ka Cabsi qaba in uu markale ku fataho Webiga Shabeelle Xili Raadadka Fatahaadii Hore ay ka Muuqato Tuuladaasi.
warbixintaas waxaa inoo heysa:-Xaliimo cali Ibraahim.