Waxgaradka Tuulada Gaafaay Ee Duleedka Magaalada Jowhar Oo Sheegay in Dalagyadii Deegaanka U Beernaa ay fatahaadu la tagtay.

0
194

Gudoomiyaha Tuulada Gaafaay Cabdi Qaadir Ayaa ka Hadalay Xaalada Dadka Kunool Tuulada Gaafay Wuxuuna Sheegay in Biyo Madaw uu Dhibaato Ku Hayo Dadka Ku Nool Tuladaasi Waxa uuna Xusay in Biyaha Madow Ee Siimowga Looyaqaan Ay Cagta Mariyeen in Ka Badan Labo Boqol oo Hektar oo Ku Beernaa Dalagyada Kala Duwan.

Gudoomiyaha Ayaa Maamulka Gobolka Hay’adaha Samafalka iyo Muslimiinta Wax Heysta Ugu Baaqay in Wax Loo Qabto Dadka Ku Nool Tuuladaas.

inta Badan Tuulooyinka Hoos yimaada Degmooyinka Gobolkani Shabeellaha Dhexe Waxaa Saameeyay Biyo madaw Oo Siimow Looyaqaan Halka Tuulooyinka Kalana uu Ku Fatahay Webiga Shabeelle.

Warbixintaas waxaa inoo soojediniyaa:-Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here