Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle Oo Hey’adaha Ka Dalbatay in Gurmad lalagaaro Dadka ay Fatahaaduhu Saameeyeen.

0
250

Fatahaadaha Wabiga Shabeelle ayaa Sanadkan Saameyn xoogan ugeystay Dadka  ku noolaa Deegaanada udhaw Wabiga iyo wax soo saarkii Beeraha ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay Jareen Fatahaada taasna waxa ay keentay in Dadka Biyaha ay Dhibateeyeen Soo Wajahaday Gaajo, Caafimaad daro, Hoy la,aan iyo Dhibaatooyin kale waxana wali jirta Cabsida laga qabo in uu fataho wabiga madaama uu wali buuxo .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Maamul Gobaleedka Hirshabelle Xildhibaan Ismaaciil Cabdi qaasim ayaa sheegay in dadkii daganaa tulooyinka jiinka Webiga Ee Hoosyimaada Degmooyinka Baladweyne iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay ka Barakaceen islamarkana ay ubahanyihiin Gargaar Caafimaad iyo Cuno waxa uuna Dowlada Soomaaliya iyo Hey,adaha Samafalka uu ka Dalbaday in lacaawiyo Dadkaasi.

Warbixintaan waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here